site
stats

FUNDS FOR REFUGEES FROM YEMEN 2015

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization(HARO) ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka Ayaa malintii shalay oo taariikhdu ahayd 18-06-2015 ku wareejisay culumada , Mu’asasada Al Minhaaj Puntland deeq lacageed oo dhan 20,000 oo doolar taasi oo ay uga qayb-qaadanayaan gurmadka qaxootiga ka soo cararay dagaalka Ka socda dalka Yamen.

Munaasabada deeqadan lacageed loogu wareejinaayay culumada iyo Gudiga Qaxootiga Yemen oo lagu qabtay Xafiiska Mu’asada Al -Minhaaj ee Bosaso Waxaa Ka qaybgalay qaar kamid ah culumada , Maamulka Mu’asasada Alminhaaj,Gudiga Gurmadka Qaxootiga ka sooqaxay Dagaalada Yemen Iyo Wakiilka Hay’ada ku deeqaday Lacagtan ee Humanitarian African Relief Organization(HARO).

Wakiilka Hay’ad Humanitarian African Relief Organization(Haro) Yaasin Cabdulaahi Cali oo daah furay munaasabada ayaa sheegay in Hay’ada Haro Ay howshaan u istaagtay markii ay arkeen dhibaatada haysata walaalahooda kasoo qaxay dagaalka Ka Socda Dalka Yamen ee soogaaray Puntland
“Haro oo ah Hay’ad Samafal oo fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka ayaa markii ay arkeen Walaalahood dhibka haysta , waxa ay u istaageen in wax ka aruuriyaan walaalahood ay wax ka aruurin jiren, si ay uga qaybqaataan dhibka meesha yaala “ Ayuu yiri Yaasiin Cabdulaahi Cali Sheekh Daahir Aw- Cabdi oo Kamid Culamad Soomaaliyeed Ayaa Eebe uga baryay madaxda hay’ada Haro iyo cida ay lacagatani ka soo aruuriyeen in uu Eebe ka waraabiyo Janadiisa fardowso , maalkoodana u barakeeyo.

Gudoomiyah Mu’asada Al Minhaaj Maxamed Cabdulaahi oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Xafladan ayaa ku amaanay maamulkaa iyo Shaqaalaha hay’ada Haro Xilkasnimo ,Karti ,iyo Amaano